Weerarro lagu beegsaday ciidamada shisheeye iyo maleeshiyaadka DF Somaliya.

Wednesday February 12, 2025 - 11:12:26
Liibaan Jeexoow
Weerarro kala duwan oo lagu beegsaday ciidamada Shisheeye iyo maleeshiyaadka DF Somaliya ayaa saacadihii lasoo dhaafay ka kala dhacay Banaadir, Shabeellaha Hoose iyo Hiiraan.
Gobolka Banaadir, dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa qarax culus la beegsaday maleeshiyaad ka tirsan kuwa Gurguurte oo ku sugnaa xaafadda Gubta gaar ahaan Tiida ee magaallada Muqdisho.

Ilo-wareedyo aanu helnay ayaa tibaaxaya in qaraxaasi uu ku dhintay ugu yaraan 1 askari oo magaciisa lagu soo gaabshey Indhoos, 2 kalena waa ay dhaawacmeen.

Shabeelada hoose, waxaa ka dhacay habeennimadii xalay dagaal culus oo xoogagga Al-Shabaab ay ku mireen askarta Uganda ee ku sugan deggaanka Golweyn oo hoos-taga degmada Buul Mareer.

Gobolka Hiiraan, waxaa shalay ka dhacay qarax ay xoogagga Al-Shabaab ka fuliyeen gudaha degmada Buula Burde, kaas oo lala eegtay maleeshiyaadka DF Somaliya.

Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in qaraxaasi oo ahaa mid aad u culus uu geystay khasaare soo gaaray maleeshiyaadka la weeraray, walow aanaan ka helin faahfaahin dheeriya.

Weerarrada kala duwan ee lagu ugaarsanayo ciidamada shisheeye iyo maleeshiyaadka daba-dhilifka u ah ayaa si xawliya uga socda guud ahaan gayiga Soomaaliyeed.

Related Items

Update cookies preferences