Warbixin Wargeys: Awoodda Jihaadiyiinta galbeedka Afrika oo siyaadday.

Monday October 28, 2024 - 09:18:12
Liibaan Jeexoow
Warbixin uu nashriyey wargesyka Africa Defense Forum ayaa diirada lagu saarayo sida ammaanka wadanka Burkina Faso uu faraha kabaxay kadib markii ay mujaahidiintu dhimbilaha jihaadka ka holciyeen gobollada ugu waaweyn dalkaas.
Waxay ugu horeyntii warbixintu sheegeysaa in Burkiina Faaso uu amnigeeda faraha ka baxay Labadii sano ee ugu dambeysa, kadib markii talada wadankaas ay afgambi kula wareegeen Militariga, dowladii oo idilna dagalka laga tuuray.

Waxa uu wargeysku tibaaxayaa in mudadan ay Laba jibaarmeen weerarada mujaahindiinta galbeedka qaadaran ay ku beegsanayaa murtadiinta iyo murtazada Ruushka hoos tagao ee Fagner, iyagoo cadawga midibada kala duwan leh u gaarsiiyey dharbaaxooyin uu wali kasoo waaqan la’ayahay.

Sidoo kale joornaalku waxa uu hadalkiisa intaasi kusii darayaa in tan iyo markii uu wadankan ka dhacay afgambiga Millitari ay mujahidiinta sii wadeen iney fuliyaan howgaladooda qaarijiga ah, iyagoona weeraro fariid ah ka fulinayey xuduudka wadamo badan oo sida Niger iyo Togo.

Mar warbixintu ay xustay sida ay mujahidiinta Nusratul Islaam Wal Muslimiin ay uga faa’ideysteen burburka ku yimid xukuumadii taagta darneyd ee uu galbeedku dhistay iyo habacsanaanta hestaya militariga hada afgambiga kula wareegay wadankaan, waxaa dhanka kale lagu waramayaa in askarta militari ay mudooyinkan dambe bilaabeen iney ku caro furtaan shacabka bariga ah ee aanan wax lugta ah ku lahayn loolanka socda.

Waxayna marwalba oo ay dhanka mujaahidiinta ay kala kulmaan dharbaaxo adag ama dagaalka ay galaanba jilbaha dhulka loogu dhufto ay ku cara baxayaan dadka rayidka ah, iyagoona sida hada lagu waramayo dilay tobaneeyo ruux, warbixintuna waxayba hada sadarka midkan ka hooseeya ay ku sheegeysaa in bishii Febraayo ee sanadkan 2024 ay ciidamada militariga dileen ilaa 223 qof oo rayid ah oo ay ku jiraan ugu yaraan 56 carruur ah.

Waxaa jira dhaleeceymo isdaba joog ah oo uu la kulmayo Captan Ibrahim Traoré madaxa militariga afgambiga kula wareegay talada wadankaas, galbeedkii halkan laga xidada siibay ayaana u muuqda hada mid si aad ah ugu dharag dhacsanaya ninkan, maadaama bey leeyihiin uu Ruushkii uu soo dhaweystay uu hada u muuqdo mid saaxada uga sii luga siibanaya, wixii hada ka dambeeyana ay faraagaraha isku fara saari doonaan iyaga iyo mujaahidiinta.

Si kastaba ha ahaatee awooda mujaahidiinta ka dagaalanta dhulka saaxilka iyo saxaraha Afrika ayaa sii bulaaleysa marba marka kasii dambeysa, shisheeyaha iyo cumaladiisa ee usoo xeetay xayuubsiga kheyraadka qaaradan galbeedkeeda ayaana hada wajahayaa dhiig boxoodii ugu darnaa, iyagoona waa baryey uu ku noqotay cududa sii lixaad-saneysa ee Nusratul Islaam Wal Muslimiin.

Related Items

Update cookies preferences