Magaalada New York dalka Mareykanka waxaa kulan ku leh waxa loogu yeero golaha ammaanka Q.Midoobay waxayna kulankaan uga hadalayaan arrimaha Soomaaliya gaar ahaan dhanka ammaanka.
Q.Midoobay ayaa ka arrinsanaysa sida laga yeelayo soo duulayaasha calooshood ushaqeystayaasha Afrikaanta ee duullaanka ku jooga dalka Soomaaliya.
ilo wareedyo ayaa sheegaya in dowladaha ugu waaweyn ee reergalbeedka ay ku kala aragti duwanyihiin sida loo maareynayo murunka ka taagan cidda maalgelinaysa howlgalka cusub ee ururka Midowga Afrika uu si hal dhinac ah u iclaamsaday.
Waxyaabaha kulanka caawa ka dhacay New York lagu go'aamin doono waxaa kamid ah mustaqbalka howlgalka Afrikaanta ATMIS in howlgalkan sanadada badan qaatay lasoo afjarayo in kale, dowladaha kamid noqon doono howlgalka AUSSOM ee midowga Afrika uu iclaamiyay.
Sidoo kale waxaa laga doodi doon jihooyinka dhabarka uridanayo maalgelinta soo duulayaasha Afrikaanta ee Soomaaliya,inta sano ee uu howlgalkan socanayo iyo dowladaha ay ciidamadoodu ka qeyb qaadanayaan.
Shirkii isbuucii lasoo dhaafay ka dhacay magaalada Ankara ee Turkigu ku heshiisiiyay Abiy Axmed iyo Xasan Gurguurte ayaa umuuqday mid looga hortagayay in ciidamada Xabashida Itoobiya laga reebo howlgalka cusub ee afrikaanta Soomaaliya.
Arrimaha ay isku mari la'yihiin shisheeyaha ku kulansan magaalada New York waxaa ugu muhiimsan laba arrin oo kala ah cidda maalgelinaysa howlgalkan tusaale ahaan Midowga Yurub wuxuu doonayaa in culeyska maaliyadeed ay laqeybsadaan dalalka Afrika iyo Q.Midoobay halka Mareykanku uu gebi ahaan ka caga jiidayo in uu qaaraan ku darsado maalgelinta isbahaysigan, sidoo kale wuxuu muran ka taagnaa in Masar iyo Itoobiya lagusoo daro howlgalkan.
Hubanti la'aanta ugu daran ayaa ka taagan cidda dusha uridanaysa bixinta qarashaadka ku baxaya soo duulayaasha Afrikaanta waxaana xusid mudan in Donald Trump uu bisha 1aad ee sanadda 2025 talada Mareykanka lawareegi doono waana hoggaamiye aan ogoleyn in Mareykanku lacago ku qubo dalalka dibadda.
ciidamada Midowga Afrikan ayaa duullaan ku jooga Soomaaliya muddo 18 sanadood oo xiriir an mana xaqiijin hal hadaf oo kamid ah ahdaaftii ay reergalbeedku usoo xilsaareenteen waxaana ugu muhiimsan in ay baabi'iyaan mujaahidiin iyo in dalka ay ka dhisaan nidaam Dimuquraadi kufri awood leh.