Turkiga oo ka dhigaya Somaliya meel uu ku tijaabsado hubka kimikada iyo gantaallada riddada fog.

Wednesday November 27, 2024 - 12:11:22
Liibaan Jeexoow
Dowlada Turkiga ayaa wadda qorsha ay uga dhigeyso Soomaaliya goob cusub oo Turkigu ku tijaabin doono gantaalladiisa casriga ah ee masaafada dheer gaara.
Sida ay qortay warbaahinta dalkaasi , dawladda Turkiga ayaa Soomaaliya u aragta meel istaraatiiji ah oo ay ku tijaabsan karto hubkeeda gantaallada ah. iyagoo qorsheynaya ay ka dhisto saldhig ciidan oo weyn gudaha Soomaaliya si loogu tijaabiyo gantaalladiisa cusub ee noocyada Tayfun iyo Cenk, kuwaas oo awood u leh inay gaaraan masaafooyin ka badan 1,000 km.

Sida ay sheegeen khubara dhanka difaaca ee turkiga , Soomaaliya ayaa ah goob muhiim ah oo istaraatiiji ah, maadaama ay leedahay marin u dhow badweynta Hindiya oo u oggolaanaysa in gantaallada masaafo dheer in lagu tijaabiyo.

Khubaradan ayaa tilmaamay in gudaha Turkiga aysan jirin goob ku habboon oo lagu sameeyo tijaabooyin ka baxsan 700 km, taas oo Soomaaliya ka dhigaysa mid lama huraan u ah qorshaha difaaca Turkiga madaama Somaliya ay leedahay bad aad u dheer.

Xiriirka Turkiga iyo Dowlada Somaliya, oo horey ugu qotomay waxa ay ugu yeeraan dib-u-dhiska iyo taageerada milateri, ayaa hadda u muuqdo mid isbeddelay, maadaama Turkiga uu Soomaaliya u adeegsanayo sidii goob uu ku horumarin lahaa tiknoolajiyadiisa hubka iyadoo Dowlada turkiga ay hore u sheegtay inay Somalia ka dhisi doonto Talis ay ka maamuli doonto isku daygeeda ah inay hawada sare u dirto Sattelite.

Arrintan tijaabada hubkan cusub ee turkigu qorsheynayo inuu ku tijaabiyo Badaha Somaliya ayaa sida la sheegayo sare u qaadaysa cabsida ah in tijaabooyinkan hubka ay waxyeelo weyn u geysan karaan deegaanka, iyadoo ay suurtagal tahay inay saameyso badda, hawada, iyo ilaha nololeed ee bulshada ku tiirsan tahay.

Related Items

Update cookies preferences