Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Deni ayaa sheegay in Soomaaliya ay noqotey meel hubka lagu tijaabiyo ama saylad lagu kala gato hubka.
Deni oo ka qayb galey xarun caafimaad oo la dhagax dhigayey ayaa baaq u direy Xukuumadda Federaalka ee Xasan Sheekh taas oo uu ku boorriyey in ay aqbasho kala aragti duwanaanta isla markaana ay dhigto gogol nabadeed oo dadka la isugu soo jiidayo.
"Dowladda Federaalku waa in ay waayeel noqoto, oo aaney kala aragti duwanaanta xabbad ku xallin” Ayuu yiri Deni.
Waxa jirey khilaaf u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo maamulka Jubbaland kaas oo xukuumadda Xasan Sheekh isku dayday in ay xoog ku xalliso xurgufta kala dhexaysay Axmed Madoobe.
Khilaafka u dhexeeya JL iyo DF ayaa gaarey heerkii ugu sarreeyay ka dib markii Maxkamadaha Banaadir iyo Kismaayo ay soo saareen waaranno iska horjeeda oo lagu soo qabanayo Xasan-Gurguurte iyo Axmed-Madoobe.
Puntland ayaa iyadu la safatey maamulka Jubbaland ka dib markii Axmed Madoobe doorasho iskii ah uu isugu caleemo saarey oo uu hoggaamiyo markale maamulka la baxay Jubbaland.