Dad ka badan Boqol Kun oo Suuriyaan ah oo laga raadinayo xabsiyada.

Monday December 16, 2024 - 07:28:19
3148
Liibaan Jeexoow
Baadi goob wali socda oo lagu raadinayo wax ka badan 100,000 oo ruux oo Suuriyaan ah misana markii ugu dambeysay u xirnaa nidaamkii la riday ee Bashaar Al-Asad uu hogaaminayey.

Sida uu nashriyey wargeyska The Times ee kasoo baxa dalka Ingiriiska, kooxaha mucaaradka Suuriya iyo shacabka oo is garabsanaya ayaa wali wado baaritaano xoogan oo ay ku gaarayaan goob walba oo lagu tuhunsanyahay in xabsi qarsoodi ah uu ka dhigay nidaamkii la riday.

Qoysas fara badan ayaa weli wadooyinka u taagan sidii ay markale u heli lahaayeen dadkooda hadiiba ay noolyihiin, tirakoobkii ugu dambeeyey ee laga sameeyey dadka laweysanyahay ee ku xiran xabsiyada Al-Asad ayaa lagu sheegay ilaa 105,000 oo ruux.

Baaritaanada ugu badan ayaa hada ka socda deegaanka Al-Qutayfa oo qiyaastii 50 kiiloomitir waqooyi bari kaga beegan Dimishiq, waana goob looga shakisanyahay in taliskii Bashaar Al-Asad uu ka dhistay xabsiyo qarsoodi ah oo u uku guri jiray shacabka reer Suuriya.

 

Related Items

Update cookies preferences