Akhriso maqaal laga qoray xalaqaadkii Geedigii Gurguurte, Guul mise Gabidhacleyn.

Thursday January 02, 2025 - 09:03:33
Liibaan Jeexoow
Magacaygu waa Xaaji Cabdullaahi, waxaan ku noolanahay dalka dibadiisa, waxaan rabaa in aan aragtidayda ka dhiibto Barnaamijkii shanta xalaqo ahaa ee ciwaanka looga dhigay (Geedigii Gurguurte, Guul mise Gabidhacleyn)
Inta aanan galin aragtidayda ku aadan Barnaamijkaas, waxaan rabaa in aan marka hore u mahad celiyo Allaah swt, ugana mahad celiyo guulaha iyo tamkiinta uu siiyey Islaamiyiinta geeska Afrika.

Sidoo kale mahadda Allaah kadib, waxaan mahad balaaran u celinayaa Islaamiyiinta iyo geesiyada Islaamka ee ayagu dhiigooda iyo dheecaankooda ku suuragaliyey guushaas gaar ahaan Qiyaadada iyo umarada halganka.

Waxaan u mahad celinayaa Iclaamka Islaamiga ah iyo sida ay marwabaa u soo gudbiyaan waaqica dhabta ah ee ku aadan loolanka u dhaxeeya xaqqa iyo Baadilka ee ka socda Dhulkeena.

Si gaar ah waxaan ugu mahad celinayaa Kataa’ib Al Ikhbaariya, Idaacadaha islaamiga iyo walaalaha ribaadka kaga jira mawaaqicda iyo baraha bulshadaba.

Hadii aan u soo laabto Muuqaalada Shanta Xalaqo ahaa ee ciwaanka looga dhigay ( Geedigii Gurgguurte, Guul mise Gabidhaclayn)

Muuqaaladaasi waxay ahaayeen kuwa cajiib ah, oo si aad u xirfadaysan loo diyaariyey, lagu soo bandhigay macluumaad balaaran.

Waa tii horay loo yiri wixii aragiisu ku deeqo ayey oontiisuna ku deeqdaaye, waxa uu ahaa muuqaalo loo diyaariyey si wacan oo indhaha soo jiidanaya.

Waxaa lagu soo bandhigay Jabkii iyo Jaxiimadii lugaha loo galiyey maleeshidaaydkii uu Gurguurte ku soo weeraray xamladii uu laba sano ka hor ku soo qaaday wilaayaadka Islaamka.

Waxaa si waafi ah loo arkay loona daawaday saraakiishii iyo madaxdii hogaaminaysay maleeshiyaadka Gurguurte oo la waray saaxada dagaalka.

Madaxdii isku dhaarsaday ee ku faanay in ay Shareecada Islaamka suulin doonaan ayaa lasoo bandhigay ayaga oo madaxa kula jira geedaha ku yaala banaankii lagu dagaalamay.

Muuqaalku waxa uu muujiyey tabardarida maleeshiyaadkii khawanada ahaa oo ay weliba cirka ka taageerayeen huwanta shisheeyaha caalamiga iyo Daba-dhilfyadooda.

Waxaa lagu muujiyey muuqaalka fadeexadda soo gaartay madaxda warbaahinta Xasan Sh iyo sida Iclaamka Islaamiga ahi uu afka ciidda ugu daray, maadaama uu Barnaamijku banaanka keenay beentii iyo borobagaandii ay u soo gudbinayeen shacabka, taas oo ka dhigan in habayaraatee aan hadaladooda iyo warbixinadooda lagu kalsoonaan karin.

Barnaamijku waxa uu banaanka keenay farqiga u dhaxeeya maamulka Xasan Sheekh iyo Wilaayaadka Islaamiga ee dalka ka jira, marka la eego dhanka Amniga, Cadaaladda, ku dhaqanka Shareecada, garab istaaga iyo Badnaadinta shacabka muslimiinta ah marka ay dhibi soo gaarto iyo sida ay Islaamiyiinta u garab istaagaan walaalahood.

Barnaamijku waxa uu muujiyey sida uu Xasan Sh u xaraashay dalka, bad iyo barriba , iyo sida uu ugu gacan galiyey shisheeye iyo masuqmaasuqa ragaadiyey maamulkiisa.

Gagagabadii:- Barnaamijkaan waxa uu ahaa mid aad loogu baahnaa, kuna soo aaday xilli loo baahnaa.

Barnaamijkaan iyo kuwa lamidka ahiba waxay ka qayb qaadanayaan wacyi galinta umadda soomaaliyeed iyo kobcinta dareenkooda ku aadan badbaadinta dalkooda, dadkooda iyo diintooda.

وَاللَّهُ غَالِبٌ عَلَى أَمْرِهِ وَلَكِنَّ أَكْثَرَ النَّاسِ لَا يَعْلَمُونَ

Related Items

Update cookies preferences