M/weynaha Turkiga oo Addis Ababa iyo Muqdisho u tagaya dhaqan-gelinta heshiiskii bixinta Badda Soomaaliya.

Monday December 16, 2024 - 12:05:22
Liibaan Jeexoow
Maalmo kadib markii madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya uu Xabashida Itoobiya u saxiixaay qaadashada qeyb ka mid ah badda Soomaaliya ayay dowladda Turkigu ku dhawaaqday in ay ka shaqeynayso dhaqan-gelinta heshiiskaasi.
Rajeb Dayib Erdogaan ayaa shaaciyay in bilaha soo socda uu booqashooyin cagta kusoo marin doono magaalooyinka Muqdisho iyo Addis Ababa si uu gomodaha ugu adkeeyo heshiis ku sheeggii xaaraanta ahaa ee Itoobiya lagu siiyay Badda Soomaaliya.

Isagoo hadal ka jeedinayay munaasabad ka dhacday magaalada Arda-ruum ee dalka Turkiga ayuu Erdogaan sheegay in horraanta sanadda 2025-ka uu booqan doono Soomaaliya iyo Itoobiya.

Booqashadaasi ayuu Erdogan ku micneeyey mid daba socoto heshiiskii isbuucii lasoo dhaafay ka dhacay magaalada Ankara ee caasimadda Turkiga.

"Haddii Rabbi idmo, waxaan booqan doonaa dalalka Itoobiya iyo Soomaaliya bilaha ugu horreeya ee sanadka soo socda waxaana dunida la wadaagi doonnaa tallaabadaan aan qaaday" ayuu yiri madaxweynaha dowladda Turkiga.

Erdogaan ayaa intaas ku daraya in wadahadal socday muddo 7 saacadood ah ay ku suurta-gashay in Xasan Sheekh uu Abiy Axmed u saxiixo gaaridda Badda Cas.

Sida ku cad heshiiskii Ankara lagu saxiixay 11-kii bishan dowladda Xabashida Itoobiya ayaa qaadanaysa qeyb ka mid ah Badda Soomaaliya iyadoona ciidamadeedu ay kasii mid ahaanayaan isbahaysiga afrikaanta ee duullaanka ku jooga Soomaaliya.

Dowladda Turkiga ayaa doonaysa in boobka ay ku hayso kheyraadka Soomaaliya sii wadato iyadoo ammaankeeda ay sugayaan ciidamada xabashida Itoobiya.

Tallaabooyinka ay qaadayso ayaana ah mid ay ku doonayso in Itoobiya ay kula saaxiibto kheyraadka Soomaaliyeed ee dhax ceegaaga Badda iyo Barriga dalkeenna hooyo.

Related Items

Update cookies preferences