Khasaara xooggan ayaa ka dhashay shil gaari oo ka dhacay deegaan dhaca duleedka magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.
Wararka ka imaanaya deegaanka Jaziira ayaa sheegaya in ugu yaraan 3 qof ay geeriyoodeen kadib markii uu shil galay gaari nuuca raaxada ah oo ay dadkani la socdeen.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in dhammaan dadkii gaariga la socday ay dhinteen mana jirin cid ka badbaaday.
sababta shilka ayaa lagu sheegay gaariga oo isagoo si xowlli ah ku socday kabaxay wadada, shilalkan nuucaan ah ayaa sanadadii lasoo dhaafay kusoo badanayay gudaha Muqdisho iyo duleedkeeda.