Dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa maanta weerar dhabbo-gal ah u dhigay maleeshiyaad Liyuu Boolis ah oo Xabashida Itoobiya kusoo taageertay maamulka Jubbaland.
Maleeshiyaadkan ayaa la weeraray xilli ay ka baxsanayeen xero uu dejiyey Axmed-madoobe oo ku taal deggaanka Buulo Xaaji ee duleedka magaallada Kismaayo ee gobolka Jubbada hoose.
Sida ay wararku nagu soo gaarayaan maleeshiyaadkan ayaa xerada isaga firxaday kadib markii ay u adkaysan waayeen weerarrada joogtada ah ee kaga imanaya xoogagga Al-Shabaab.
Qorshaha maleeshiyaadkan ayaa ahaa inay lug ku tagaan xad-beenaadka Kenya iyo Soomaaliya, kadibna uga sii gudbaan dhulka Soomaali Galbeed ee ku hoos-jira gumaysiga Itoobiya.
Ilo-wareedyada aanu helayno ayaa sheegaya in maleeshiyaadka Liyuu Booliska lagu haleelay agagaarka deggaanka Hoosingow, halkaas oo si dhuumaalaysiya ku gaareen iyagoo habqan ah oo lugaynaya.
Xogtii u dambaysay ee weerarkaasi aanu ka helnay ayaa sheegaysa in ugu yaraan hal askari laga dilay maleeshiyaadka Liyuu Booliska, isla markaana laga furtay qori AK47 ah iyo booshkiisii.
Tan iyo intii khilaafku ka dhex-qarxay Xasan Gurguurte iyo Axmed-madoobe waxaa maamulka Jubbaland soo gaarayay maleeshiyaad Liyuu Boolis ah oo Itoobiya ay kusoo xoojisay.