Dowladaha ay ciidamadoodu duullaanka ku joogaan dalka Soomaaliya ayaa weli isku hardinaya cidda awoodda ugu badan ku yeelanaysa isbahaysiga AUSSOM ee maalmo ka hor shaqadiisu billaabatay.
Madaxweynaha Masar Cabdi Fataax Alsiisi ayaa xusul duub ugu jira sidii ay dowladdiisu ciidamada ugu badan ugu yeelan laheyd isbahaysiga Afrikaanta ee duullaanka ku jooga Soomaaliya.
Warsaxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Masar ayaa lagu sheegay in Alsiisi iyo Yoweri Museveni ay khadka taleefanka kuwada hadleen ayna isla gorfeeyeen arrimaha geeska Afrika gaar ahaan Soomaaliya.
Masar ayaa doonaysa in ay awood melleteri iyo mid siyaasadeed ku dhaxyeelato howlgalka Afrikaanta ee Soomaaliya si ay ula loollanto dowladda Xabashida Itoobiya oo iyana qeyb ka ah isbahaysiga cusub ee AUSSOM.
inkastoo aan illaa iyo hadda lasoo saarin liiska dowladaha ka qeyb gelaya howlgalka Afrikaanta ee dhowaan la iclaamiyay iyo sida ay ukala qaadanayaan tiradea ciidamada oo wadartooda guud ay tahay 12,600 oo askari ayaa hadane larumeysanyahay in khilaaf xooggan uu ka taaganyahay sida ay dowladuhu cidamada ukala qeybsanayaan.
ilo wareedyo ayaa sheegaya in dowladaha Uganda iyo Masar ay noqon doonaan kuwa ugu ciidamada badan isbahaysiga AUSSOM waxaana kusoo xigo doona Jabuuti iyo Itoobiya oo min 2,000 oo askari ku yeelan doona halka Kenya ay heli doonto 1500 oo askari.
Wararka ayaa intaas ku daraya in dowladda Burundi ay go’aansatay in howlgalka ay isaga harto balse Faransiiska iyo Mareykanka ayaa wada dadaallo ay ururka Midowga Afrika uga dhaadhicinayaan in Burundi aan laga reebin howlgalka.
Inkastoo wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya ay sheegtay in ciidamadeedu qeyb ka noqonayaan isbahaysiga AUSSOM hadane waxaa jira ismaandhaaf ku aaddan halka ay ciidamada Xabashidu dalka ka joogayaan.
Masar ayaa doonaysa in lagu wareejiyo magaalooyinka xuduud beenaadyada ku dhow ee ay hadda ku suganyihiin ciidanka Itoobiya halka Xabashidu ay arrinkaas diidanyihiin.
Yoweri Museven oo ah madaxweynaha Uganda ayaa isku dayaya in uu Masar ku taageero doonitaankeeda ah in ay kaalin weyn ku yeelato isbahaysiga AUSSOM.