Ex Wasiir Buuni: Itoobiyana Bad waayi mayso, Somaliland-na ictiraaf.

Wednesday December 18, 2024 - 14:42:04
Liibaan Jeexoow
Wasiir hore oo ka tirsanaan jiray xukuumaddii dhacday ee Muuse Biixi ayaa shaaca ka qaaday in xukuumadda cusub ee C/Raxmaan-Cirro ay dhamaystirayso heshiiskii xaaraanta ahaa ee MOU-ga ee ay wada-galeen Muuse Biixi iyo Abiy Axmed.
C/Naasir Buuni oo ahaa wasiirkii hore ee wasaaradda xiriirka golayaasha ee maamulka la baxay Somaliland ayaa mar uu maanta ka hadlay goob munaasibad ah ka sheegay in Somaliland helayso ictiraaf, Itoobiyana Bad ay isticmaasho.

Buuni ayaa daboolka ka qaaday in xukuumadda cusub ee C/Raxmaan-Cirro ay meel wanaagsan ka taagan tahay dhamaystirka heshiiskaasi oo qaybo ka mid ah Badda iyo Barriga Soomaaliyeed lagu siinayo dawladda Xabashida Itoobiya.

"Heshiiskii is-afgarad ee Itoobiya iyo Somaliland-na, waxaan ku faraxsannahay halka maanta xukuumadda cusubi ka taagan tahay, inay meel weyn oo wanaagsan tahay, inay dhamaystirayaanna waanu ku faraxsanahay” ayuu yiri Ex Wasiir Buuni.

Ex Wasiir Buuni ayaa carrabka ku adkeeyey in marnaba Somaliland ahaanayn ictiraaf la’aan Itoobiyana Bad la’aan waxaanu yiri oo hadalladiisii ka mida "Itoobiyana Bad ay maal-gashato oo ay isticmaasho waayi mayso, Somaliland-na ictiraaf waayi mayso”.

Xukuumadda cusub ee C/Raxmaan-Cirro oo dhawr cisho ka hor la wareegtay talada maamulka Somaliland ayaa ilaa hadda ka muquuranaysa caddaynta mawqifkeeda rasmiga ah ee ku aaddan heshiiskaasi hantaaqada ku ah ummadda Soomaaliyeed.

Afhayeenka Xisbiga talada dalka la wareegay ee WADDANI, Maxamed Faraax Cabdi ayaa maalmo ka hor mar uu ka hadlayay mawqifkooda ku aaddan heshiiska MOU-ga waxa uu sheegay in xukuumaddu ay cusub tahay welina aanay arag heshiiskaasi, balse markay aragto ee ay deristo ay fulin doonto haddii ay ku jirto danta Somaliland.

Related Items

Update cookies preferences