Hoggaamiyaha ugu sarreeya xoogagga kacdoonka Suuriya ayaa magacaabay wasiirka arrimaha dibadda ee xukuumadda KMG ah waana markii ugu horraysay oo dalkan uu yeesho wasiir khaariji ah tan iyo markii lariday nidaamkii Bashaar Al-Asad.
Ascad Xasan As-sheybaani ayaa loo magacaabay wasiirka cusub ee arrimaha dibadda Suuriya, ninkan oo dhashay sanaddii 1987-dii ayaa hoggaamin doona siyaasadda cusub ee arrimaha dibadda Suuriya.
As-sheybaani ayaa sanaddii 2009 ka baxay jaamacadda magaalada Dimishiq balse sanaddii 2011-dii ayuu ku biiray kacdoonkii ka dhanka ahaa nidaamkii Bishaar Al-Asad.
Sanaddii 2017 wuxuu Ascad aas-aasay qeybta siyaasadda arrimaha dibadda ee maamulladii xorta ahaa kuwaas oo ka dhisnaa gobolka Idlib ee waqooyiga Suuriya.
Axmed As-sharac oo ah hoggaamiyaha guud ee maamulka Suuriya ayaa wasiirka cusub ee arrimaha dibadda kula dardaarmay in uu kasoo dhalaalo mas'uuliyadda culus ee qoorta loo suray.