Wasaaradda Amniga Gudaha maamulka la baxay Somaliland ayaa warsaxaafadeed ay soo saareen ku sheegay in ay guul ka gaareen dagaalkii shaley galab ka dhacey deggaanno ku dhaw magaalada Ceerigaabo.
Wasaaradda ayaa qoraalkan ay soo saartay waxay ugu hambalyaysay ciidamada maamulkaasi.
"Ciidamada Qaranku waa naftood-hurayaal waxayna shalay qaranka u soo hooyeen guul wayn..." ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay wasaaradda Amniga.
Maalmihii u dambeeyay dagaallo qaraar ayaa ka socday magaalada Ceerigaabo iyo duleedkeedaba.
Dagaallada ayaa u dhexeeya malleeshiyo taabacsan maamulka SSC iyo Ciidamada Somaliland.
Geesta kale Warsaxaafadeed xaley ka soo baxey Xafiiska Warfaafinta Ciidanka SL ayaa lagu sheegay in maxaabiis lagu qabtey dagaalkii ka dhacey meesha lagu magacaabo Dhuur-Madare.
War qoraal ah oo ka soo baxay SSC-Khaatumo ayaa lagu sheegay in Somaliland ay 50,000 oo qoys ka barakicisay Magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag.