Kadib xasuuqii maalintii shaley ka dhacay deegaanka Dacawaley ee dhulka Soomaaligalbeed ee Itoobiya gumeysato waxa maanta la sheegay in Hargeysa ay ka baxeen Wefti uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga Cabdalle Maxamed Carab kuwaas oo magaalada Wajaale ee xuduud-beenaadka kula kulmi doona wefdi ka socda Federaalka Itoobiya.
Weftiga Somaliland ayaa isugu jira Wasiirada Amniga, Madaxtooyada, Taliyeyaasha ciidamada Booliska iyo Millatariga waxaanay wararkii ugu dambeeyey sheegayaan in goor dhawayd ay ka tallaabeen xad-beenaadka Wajaale, halkaas oo ay ku kulmi doonaan wefti ka socda Federaalka Itoobiya.
Tan ayaa ka dambaysay ka dib markii malleeshiyada Liyuu Boolis ay dad shacab ah ku xasuuqeen deegaanka Dacawaley oo hoostagta degmada Xarshin ee Soomaali Galbeed.
Warsaxaafadeed ka soo baxey Wasaaradda Amniga maamulka Somaliland ayaa lagu cambaareeyay falkii arxandarrada ahaa ee shaley dhacey.
Wasiirka Amniga ayaa hore ula kulmay safiirka Itoobiya u fadhiya Somaliland Teshome Shunde kaas oo ay ka wada-hadleen xaaladda deegaanka Dacawaley.
Wafdigan Itoobiyaanka ah ayaa saxaafaddu werinaysaa in uu ka madax-bannaan yahay Ismaamulka Soomaalida.
Malleeshiyada Liyuu Booliska ayaa inta badan xasuuqyo u geysta qabaa’ilka deggan xuduud-beenaadka kuwaas oo ay dhac iyo dilba u geystaan.