Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), madaxweynaha cusub ee maamulka la baxay Somaliland ayaa gogol nabadeed oo shuruud la'aan ah ugu baaqay cid kasta oo ku lug leh colaadaha ka aloosan bariga gobolka Sool iyo Degmada Ceerigaabo.
C/Raxmaan-Cirro ayaa baaqan jeediyey mar uu maanta kulan ballaaran oo xog-waraysi dhanka ammaanka ah xarunta madaxtooyada kula yeeshay guddoomiyeyaasha iyo hoggaannada saddexda Xisbi ee WADDANI, KAAH iyo KULMIYE.
War-saxaafadeed uu ku saxiixan yahay af-hayeenka madaxtooyada Deyr ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha iyo xukuumaddiisu aanay ahayn mid dadkeeda dagaal kula jirta, balse ay waajib tahay, ciidamaduna amar buuxa ku qabaan difaacidda cadaw kasta oo isu soo bahaysta.
Dhawaaqan kasoo yeeray C/Raxmaan-Cirro ayaa imanaya xilli ay kacsan tahay xaaladda degmada Ceerigaabo oo maalmo ka hor ay ka dhaceen dagaallo ay isaga hor-yimaadeen maleeshiyada Somaliland iyo xoogag taabacsan SSC-Khaatumo.