Emaaniwaal Maakroon oo ah madaxweynaha dowladda Faransiiska ayaa magaallada Addis Ababa uga dhawaaqay in dowladdiisu ay taageero xooggan siinayso sidii ay ciidamada Itoobiya u qabsan lahaayeen xeebaha Soomaaliya.
Isagoo ka hadlaya shir jaraa'id oo ay wada qabteen Abiy Axmed ayuu Maakroon shaaciyay in Faransiisku uu Itoobiya siin doono maraakiib, saanad melleteri iyo dhammaan adeegyada ay u baahan yihiin ciidamada badda dowladda Xabashida Itoobiya.
Maakroon wuxuu markii ugu horraysay carrab-dhabay in Itoobiya ay doonayso dekadda magaalada Zeylac ee gobolka Awdal ee waqooyiga dalka Soomaaliya.
Intii ay isaga iyo Abiy Axmed shirka jaraa'id wada qabanayeen ayuu madaxweynaha Faransiiska ka dhawaajiyay in Itoobiya ay gaari doonto meel ku dhow marin-biyoodka caalamiga ah ee Baabul Mandab.
Heshiiskii xaaraanta ahaa ee dhowaan Xasan Gurguurte uu ku saxiixay magaalada Ankara ayaa dhigayay in ciidanka Xabashida Itoobiya ay saldhig ka sameystaan xeebaha Badda Cas ee Soomaaliya balse warbaahinta ayaa laga qariyay.
Dowladda Faransiiska ayaa bishii Apriil ee lasoo dhaafay is hor-taagtay in waxa loogu yeero golaha ammaanka Q.Midoobay ay dhaleeceeyaan damaca Itoobiya ee Badda Soomaaliya.