Faysal Cali Waraabe oo kamid ah siyaasiyiinta Waqooyiga horena u ahaa Guddoomiyaha Xisbigii dhacey ee UCID ayaa sheegay in heshiiskii Ankara markii la galey laga takhallusay MoU-gii Itoobiya iyo Somaliland.
Faysal waxa uu Xisbiga Waddani ku eedeeyay in uu ka soo horjeeday MoU-ga, haddana waxa uu sheegay in Waddani ay xiriir la sameysteen Ismaaciil Cumar Geelle oo ka soo horjeeda aqoonsiga Somaliland.
"Ismaaciil wuxu ahaa dadkii inagula dagaallamayey Laascaanood ee hubka siinayey Huwanta.” ayuu yiri Faysal Cali Waraabe.
Tan ayaa noqonaysa hadal-jeedintii ugu horreysay ee Faysal Cali Waraabe ka dib markii Xisbigiisii ka baxay saaxadda siyaasadda Somaliland.
Geesta kale Faysal waxa uu ka hadley Xasuuqii dadka shacabka loogu geystay deggaanka Dacawaley iyo arrinta Ceergaabo oo uu si taban uga hadley.
Si kastaba ha ahaatee xaaladda ay ku sugan yihiin shacabka Soomaaliyeed guud ahaan ayaa ah mid aad u qasan oo aan la saadaalin karin sida ay noqon doonto, meel kastana waxa isku dilaya beelo Soomaaliyeed.