Ugu yaraan 71 qof oo ku dhintay shil baabuur oo ka dhacay Itoobiya.

Monday December 30, 2024 - 08:33:12
Liibaan Jeexoow
Shil baabuur oo geystay khasaare baaxad leh ayaa Axaddii shalay ka dhacay degmada Bona, oo ku taal Bariga Sidama ee koonfurta Addis Ababa ee dalka Itoobiya.
Ugu yaraan 71 qof oo rakaab ah ayaa ku dhintay shilkan, sida uu war-fidiyeenka u xaqiijiyey Ashenafi Bliso oo ah maamulaha cisbitaalka Bona.

Dadka dhintay ayaa isugu jiray 68 rag ah iyo 3 dumar ah sida uu warbaahinta u xaqiijiyey Mate Mengesha oo ah mas’uul ka tirsan maamulka deggaanka.

Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in ay jiraan dad qaba dhaawacyo halis ah oo gaaraya ilaa 4 ruux, kuwaas oo daaweyn loo dhigay cisbitaalka Bona.

Dadkan khasaaruhu soo gaaray ayaa u badan dhalinyaro isku deggaana, kuwaas oo xilligaasi kasoo laabtay xaflad aroos, sida uu war-fidiyeenka u xaqiijiyey mas’uul maxalliya.

Baabuurkan shilka galay ayaa la sheegayaa in kantaroolku uu ka lumay isagoo dul-maraya meel Buundo ah, kadib-na uu ku shalwaday webiga Galana oo 125 KM u jira magaallada Hawassa.

Sawirro uu baahiyey xafiiska caafimaadka ee gobolka Sidama ayaa muujinaya dad aad u tiro badan oo ku xoonsan/hareeraysan baabuur ku dhex-jira biyaha.

Gobolka Sidama waxa uu ku yaalaa koonfurta dalka Itoobiya, waxana uu qiyaastii 300 KM koonfur ka xigaa caasimadda Addis Ababa.

Related Items

Update cookies preferences