DF oo wafdi u dirtay Addis Ababa iyo Masar oo ka carootay heshiiskii Ankara ee Badda Soomaaliya lagu bixiyay.

Monday December 23, 2024 - 19:52:00
Liibaan Jeexoow
Wafdigii ugu horreeyay oo katirsan dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa socdaal rasmi ah ku tagay magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya tan iyo markii lasaxiixay heshiiskii khiyaanada ahaa ee Ankara.
Wasiiru dowlaha wasaarrada arrimaha dibadda xukuumadda Villa Somalia ninka lagu magacaabo Cali Balcad ayaa gaaray Addis Ababa halkaas oo uu kulamo kula qaadan doono mas'uuliyiin Xabashi ah sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay Axmed Macallin Fiqi oo ah wasiirka arrimaha dibadda.

DF-ka waxay sheegtay in ujeedka wefdigan uu yahay dhaqan gelinta heshiiskii Ankara ee dhigayay in Itoobiya ay hesho marin badeed ayna qaadato qeyb kamid ah badda Soomaaliya.

"Ujeedka socdaalka wafdiga ayaa ah xoojinta xiriirka ku dhisan is ixtiraam iyo wadashaqeyn dhaxmarta Itoobiya iyo Soomaaliya iyo sii amba qaadista heshiiskii Ankara"ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay DF-ka.

Cali Balcad ayaa kamid ahaa saraakiil katirsan DF-ka oo dowladda Itoobiya ay horraantii sanadkan ku ihaanaysay magaalada Addis Ababa xilli ay ka qeyb gelayeen shirkii ururka midowga Afrika wuxuuna tobankii bilood ee lasoo dhaafay warbaahinta ka sheegayay in Itoobiya tahay cadow aan aqoonsaneyn dad iyo dal soomaaliyeed.

Madaxda Dowladda kajirta Soomaaliya ayaa ah dabadhilifyo ucaysan shisheeyaha waxaana xusid mudan in ciidanka Xabashida Itoobiya ee gacanta ku haya sedax gobol oo dhaca Koonfurta Soomaaliya ay toos umaamulaan magaalooyinka dalka iyagoo bulshada geliyay xaalad gummeysi ah.

Dhinaca kale Axmed Macallin Fiqi ayaa gaaray magaalada Al Qaahira ee caasimadda dalka Masar, ilo wareedyo ayaa sheegaya in wasiirka arrimaha dibadda DF-ka uu Cabdifaax Alsiisi gaarsiiyay farriin uu ka sido Xasan Gurguurte.

Masar ayaa ka caratootay ballan furka ay ku sameysay dowladda Federaalka kadib markii ay Itoobiya usaxiixday qaadashada qeyb kamid ah badda Soomaaliya waxaana lasaadaalinayaa in xukuumadda Al Qaahira ay ka bixi doonto dhammaan heshiisyadii ay lagashay DF.

Related Items

Update cookies preferences