Masar oo sheegtay in ciidamadeedu ay ku biiri doonaan duullaanka AUSSOM.

Tuesday December 24, 2024 - 13:33:06
Liibaan Jeexoow
Xukuumadda Masar ayaa shaacisay in ciidamadeedu ay qayb ka noqon doonaan dulaanka cusub ee la qorsheynayo in uu bedali doono calooshood-u-shaqeystayaasha afrikaanta ATMIS ee dulaanka ku jooga dalka Soomaaliya, sida uu sheegay wasiirka arimaha dibadda Masar ninka lagu magacaabo Badar Cabdilcaaddi.
Shir jaraa'id oo ay wada qabteen wasiirka arrimaha dibadda DF Soomaaliya ayuu wasiirka khaarijiga Masar xaqiijiyay in ciidamadoodu ay isku diyaarinayaan sidii ay ugu safri lahaayeen Soomaaliya si ay qeyb uga noqdaan isbahaysiga cusub ee AUSSOM kaasi oo weli aan helin taageerada dhaqaale ee dowladaha reergalbeedka.

Wasiirku wuxuu carrabaabay in Masar aysan ogolaan doonin in tallaabooyin hal dhinac ah ay ka dhaqan-galaan Geeska Afrika iyo in DF-ka wax loo yeeriyo isagoo u duur xulayay dowladda Xabashida Itoobiya balse xukuumadda daba-dhilifka Masar ayaan soo hadal-qaadin ballan-furkii uu ku sameeyay Xasan Gurguurte kaasi oo bishan gudaheeda Itoobiya u saxiixay qeyb ka mid ah Badda Soomaaliya.

Dabayaaqadii isbuucii lasoo dhaafay mas'uuliyiinta ugu sarraysa xukuumadda Masar ayaa DF-ka Soomaaliya ku canaantay heshiiskii khiyaanada ahaa ee Ankara kadibna Xasan Gurguurte ayaa wasiirkiisa arrimaha dibadda u diray magaallada Al-Qaahira si uu u soo raalli-geliyo Al-Siisi.

Inkastoo DF-ku ay ogolaatay in ciidamada Xabashida Itoobiya ay sii joogaan Soomaaliya ayaan hadana la ogeyn in ay kasii mid ahaan doonaan isbahaysiga cusub ee AUSSOM iyo in kale sababa la xiriira dowladaha Afrikaanta oo horay u kala qeybsaday saamiga ciidamada kolkaas oo Itoobiya laga reebay.

Falanqeeyaasha ayaa sheegaya in mustaqbalka ay Soomaaliya noqon doonto fagaare ay isku herdiyaan quwadaha caalamiga ah kuwaas oo khilaafkoodii usoo raray dalkan beyllahda ah ee dhaca mandiqaddan istiraatiijiga ah.

Warkan kasoo yeeray Masar ayaa imaanaya iyadoo shalay dowlada Federaalka Soomaaliya ay wafdi u dirtay Itoobiya kaas oo la sheegayo in ay soo saxiiyaan heshiiskii qeyb ka mid ah Badda lagu siinaayay dowladda Itoobiya.

Related Items

Update cookies preferences