Kalfadhigii shaley ay yeesheen kuwa loogu yeero Qaramada Midoobey kaas oo lagu ansixinayey duullaanka cusub ee Soomaaliya ee 2025 oo loo bixiyey AUSSOM ayaa laga reebay dowladda Itoobiya oo ka mid ahayd 15-kii sano ee ugu dambeeyay.
Tan oo culeys ku keentay Itoobiya ayaa markiiba waxa war ka soo saarey mid kamida mas’uuliyiinta Soomaaliya kaas oo sheegay in DF Somaliya ay xaq u leedahay kala doorashada cidda ka qayb qaadanaysa howlgalka cusub AUSSOM 2025.
La Taliyaha Amniga Xasan Sheekh oo qoraal ku baahiyey bartiisa X ayaa ka dhawaajiyey in Dowladda Soomaaliya xaq u leedahay cidda ka qayb qaadanaysa howlgalka isla markaana ay waafajinayso danaheeda.
Xuseen Macallin ayaa intaa ku darey in aad loo tixgelin doono heshiiskii Ankara ee dhexmarey Ethiopia-Somaliya.
Xukuumadda Villa Somaliya ayaa toddobaadyadii ugu dambeeyay gashey marxalad jahowareer siyaasadeed ah.
Maalmo gudahood waxa Xasan Sheekh iyo tiimkiisu safarro siyaasadeed ku aadeen dalalka Turkey, Eritrea, Ethiopia iyo Masar dalalkaas oo dano iska horjeeda kale Soomaaliya.