Maleeshiyada Jubbaland oo ay taageerayaan diyaaradaha Maraykanku oo lagu jabiyey duleedka Kismaayo.

Wednesday January 01, 2025 - 08:34:49
Liibaan Jeexoow
Wararka ka imanaya gobolka Jubbada hoose ayaa sheegaya dagaal culus oo ay ka qayb-qaateen diyaaradaha Maraykanku in xalay uu ka dhacay duleedka magaallada Kismaayo.
Dagaalkan ayaa dhex-maray dagaalyahanno ka tirsan xarakada Al-Shabaab iyo maleeshiyaadka maamulka Jubbaland oo diyaaradaha Maraykanku ay dhanka hawada ka taageerayaan.

Dagaalkan ayaa dhacay kadib markii kolonyo maleeshiyaadka Jubbaland ah oo Kismaayo kasoo baxay dusha sarena ka taageerayaan diyaaradaha Maraykanku ay isku dayeen inay weeraraan deggaanka Beerxaani ee duleedka Kismaayo.

Sida aanu wararka ku helayno dhirbaaxo kulul oo khasaare ba’an geysatay ayaa ku dhacday huwantii weerarka ku qaadday deggaanka Beerxaani oo ka mida deggaannada ay maamusho xarakada Al-Shabaab.

Wararku waxay intaas ku darayaan in dagaalku markii uu muddo kooban socday ay soo degtay diyaarad helicopter ah oo goobtaasi ka daabushay maydadka iyo dhaawacyada maleeshiyaadka Axmed-madoobe.

Tiro sugan oo ku saabsan dhimashada iyo dhaawaca maleeshiyaadka Jubbaland weli ma aanaan helin, balse intii soo hadhay ee badbaaday ayaa iyagoo firxad ah dib ugu laabtay magaallada Kismaayo.

Jabka gaaray maleeshiyaadkan, waxaa kasii horeeyey dagaal kale oo saacado ka hor dhacay oo maleeshiyaadka Axmed-madoobe lagu jabiyey isla markaana lagu gaarsiiyey khasaare kala duwan.

Wararka ayaa tibaaxaya in dagaalkani uu dhacay kadib markii maleeshiyo kasoo baxday magaallada Kismaayo isku dayeen inay weeraraan deggaan ka mida duleedka Kismaayo oo ay maamusho xarakada Al-Shabaab.

Ilo-wareedyo aanu helnay ayaa sheegaya in dagaalkaasi lagu dilay 1 askari oo ka tirsan maleeshiyaadka Axmed-madoobe, 2 kalena lagu dhaawacay.

Weerarradan ayaa imanaya iyadoo galabnimadii shalay uu sidoo kale dhacay weerar dhabbo-gal ah oo xoogagga Al-Shabaab u dhigeen maleeshiyaad ku socdaalayay duleedka degmada Qoryooley ee Shabeellada hoose.

Ilo-wareedyo aanu helnay ayaa sheegaya in weerarkaasi lagu dilay 3 askari oo ka tirsan maleeshiyaadka Xasan Gurguurte, laguna soo furtay 2 qori AK47 ah iyo booshashkoodii.

Related Items

Update cookies preferences