Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay shil baabuur oo ka dhacay jidka u dhexeeya Hargeysa iyo Berbera.

Wednesday January 01, 2025 - 11:28:59
Liibaan Jeexoow
Shil baabaabuur oo geystay khasaare kala duwan ayaa shalay ka dhacay duleedka magaallada Dacar-Budhuq oo ku taal jidka u dhaxeeya Hargeysa iyo Berbera.
Saddex qof ayaa ku dhintay shilkan, laba kalena waa ay ku dhaawacmeen sida lagu xaqiijiyey war kooban oo taliska booliska maamulka Somaliland uu soo dhigay bartiisa Facebook.

Bayaanka uu taliska boolisku soo saaray ayaa sidoo kale lagu sheegay in shilkani uu yimi kadib markii uu gaddoomay baabuur noociisu ahaa NOAH oo ay la socdeen dad isku qoys ah.

Dhibaatada naf iyo maal-ba leh ee ay geystaan shilalka gaadiidka ayaa aad ugu badan maamulka gobollada waqooyi ee Somaliland.

Tirakoobka shilalka gaadiidka ee sannadkii u dambeeyey ayaa noqday 7,018 shil, sida uu xaqiijiyey Ibraahim Cabdi Xaaji oo ah hogaanka booliska Somaliland.

Sarkaalkan ayaa sidoo kale shaaciyey in shilalkaasi ay ku dhinteen dad gaaraya 188 qof, isla markaana ay ku dhaawacmeen 4,454 qof.

Daroogada qaadka, dariiq-xumo iyo dirawal-xumo ayaa ugu waaweyn asbaabaha loo aaneeyo inay keenaan shilalka faraha badan ee gaadiidka Somaliland.

Related Items

Update cookies preferences