Wararka ka imanaya gobollo dhaca koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya weerarro habeen-dheelmad ah oo lagu beegsaday maleeshiyaadka DF Soomaaliya.
Xoogagga Al-Shabaab ee ka hawl-gala gobolka Gedo ayaa xalay weerar culus ku qaaday fariisin ay maleeshiyaadka dawladdu ku leeyihiin degmada Balad Xaawo.
Gobolka Baay, waxaa xalay ka dhacay dagaal culus oo lagu miray saldhigga Maaya Fuulka ee maleeshiyaadka Laftagareen ku leeyihiin magaallada Baydhabo.
Khasaaraha ka dhashay weerarradan weli ma aanaan helin, waxayse ku biirayaan silsilado weerarro joogto ah oo si weyn loogu naafeeyey soo-duulayaasha Afrikaanta iyo maleeshiyaadka daba-dhilifka u ah.