Jihaadiyiinta Nusratul Islaam Walmuslimiin oo la wareegay degmooyin istiraatiiji ah.

Thursday January 23, 2025 - 11:21:45
Liibaan Jeexoow
Xoogagga jihaadiga ah ee Jamaacada Nusratul Islaam Walmuslimiin ayaa weli sii wada taqadumka ballaaran oo ay ka sameynayaan qaar kamid ah dalalka dhaca galbeedka qaaradda Afrika.
Wararka ka imaanaya wadanka Maali ayaa sheegaya in Jihaadiyiintu ay la wareegeen magaalo muhiim ah iyo deegaanno istiraatiiji ah kadib markii ay dhabarka ka jebiyeen maleeshiyaadka xukuumadda dabadhilifka Bomako.

Tan iyo wixii ka dambeeyay bishii September ee lasoo dhaafay oo dagaalyahannada Nusratul Islaam Walmuslimiin ay qaadeen camaliyaddii weyneed ee ka dhacday caasimadda Maali ayay sii wadeen taqadumka ay ka sameynayaan magaalooyinka waaweyn.

Wararka Maali ka imaanaya ayaa sheegaya in jihaadiyiintu ay si buuxda ula wareegeen gacan ku haynta magaalada Leeri ee istiraatiijiga ah waxayna xaalad go'doomin u eg ku hayaan magaalada taariikhiga ah ee Tamboktu.

Goob joogayaal ayaa sheegay in jihaadiyiintu ay go'doomiyeen dhowr saldhig oo kuyaal magaalada Tamboktu waxayna mamnuuceen in gaadiidka xamuulka ah ee badeecadaha geeya magaalada ay maraan baraha koontarool ee ay gacanta ku hayaan ciidamada cadowga.

Wakaaladaha wararka ayaa faafiyay in mujaahidiintu ay jareen buundo isku xiraysay magaalooyinka Leeri iyo Niyaanfooni si ay ciidamada cadowga ugu diidaan in ay dib iskusoo abaabulaan.

Wararka ayaa intaas ku daraya in jihaadiyiintu ay albaabada utaaganyihiin magaalada Gaawa kadib markii ay soo qabsadeen inta badan degmooyinka iyo tuulooyinka hoos yimaad magaaladan istiraatiijiga ah.

Kooriin Doofka oo ah haweenay falanqeysa arrimaha Saaxilka Afrika ayaa sheegtay in jamaacada Nusratul Islaam ay beyco lagashay qabaa'illada degma waqooyiga iyo bartamaha Maali kadibna ay ku guuleysatay in ay taxaaluf lasameysato jamaacaad maxalli ah kuwaas oo hadda safkeeda ka barbar dagaallamaya.

Xukuumadda dabadhilifka Maali ee ku tiirsan raageerada shisheeye ayaa hadda lagusoo koobay magaalooyin cayiman waxaana lasaadaalinayaa in jihaadiyiintu ay talada Maali lawareegaan bilaha ama sanadada soo socda.

Related Items

Update cookies preferences