Muqaawamada oo 3 maxbuus Yahuud ah ku bedelatay 110 maxaabiis muslimiin ah.

Thursday January 30, 2025 - 13:21:32
Liibaan Jeexoow
Wararka ka imaanaya dalka Falasdiin ayaa sheegaya in markale uu qabsadoomay heshiis maxaabiis isweydaarsi ah oo udhaxeeyay xoogagga muqaawamada iyo maamulka Yahuudda.
Abuu Cubeyda oo ah afhayeenka Katiibada Cizudiin Qassaam ayaa sheegay in ay guddiga dhax dhaxaadiyaasha ku wareejieen sedax maxbuus Yahuud ah waxayna ku bedesheen 110 maxbuus muslimiin Falasdiiniyiin ah.

Bandhig melleteri oo ka dhacay afaafka hore ee gurigii lagu dilay hoggaamiye Yaxye Alsinwaar ayay muqaawamadu ku wareejiyeen maxaaiista Yahuudda.

Maxaabiista ay Sahaayinadu sii daysay ee 110 gaaraya waxaa kamid ah Zakariye Azzubeydi oo ahaa masaxkadii ka dambeysay howlgalkii xabsiga Jalbuuc.

Waa wejigii 3aad oo heshiiska maxaabiis isweydaarsigu galay waxaana xusid mudan in dad ku dhow 1 milyan oo ruux ay dib ugusoo laabteen xaafadaha kala duwan ee magaalada Qaza gaar ahaan dhanka waqooyiga.

Related Items

Update cookies preferences