Xasan Gurguurte oo wareysi taabanaya dhinacyo kala duwan siiyey wargeys Ameerikaan ah ayaa muujinaya walaacyo dhowr ah oo uu ka qabo awooda xarkaada Al-Shabaab iyo halkii uu ku dambeeyey gulufkii uu ku dhawaaqay.
Xasan Sheekh Maxamuud madaxa kooxda Villa Soomaaliya ayaa ka dhawaajiyey sida ay usii lixaadsaneyso awoodda ciidan ee xarakada Al-Shabaab. Waxaana wax laga weydiiyey waxa u qabsoomay mudadan uu xilka joogo marka laga hadlayo wiiqista cududa Al-Shabaab, maadaama uu doorashadiisii kadib sheegay in ajandihiisa ugu horeeyaba uu yahay in muddo Labo sano ah uu kusoo afmeerayo guud ahaan xarakada Al-Shabaab.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qiray in xoogagga Al-Shabaab ay wali yihiin awood jirta oo aysan uga adkaan sida ay doonayeen, waxa uuna yiri isagoo arrintaas ka hadlaya "18-kii sano ee la soo dhaafay waxaan Al-Shabaab kula dagaalanay qaab ciidan iyo qaab dhaqaale intuba walina dabcan si buuxda looma jibin”.
Gurguurte mar la weydiiyey waxa ay ka filanayaan maamulka cusub ee Mareykanka iyo siyaasadaha Trump uu doonayo inuu ku wajaho arimaha dibada, ayuu ku cataabay in wanaag ay ka filanayaan isagoo isku muujinaya mid dadaal ku jira aanana mudneyn in laga jarto kaalmada kala duwan, maadaama xukuumadiisuba ay ku dhisantahay dawarsi iyo sandareertada yar ee ay ka helaan reer-galbeedka iyo xulafadiisa.
Wareysiga oo sii socda ayaa markan waxaa Gurguurte la weydiiyey halkii ay ku dambeysay lacagtii ahayd halka Biylan ee Dollar ee ay sanadkii 2023 ka heleen dhanka Mareykanka taasoo u badneyd kaalmo millatari.
Guguurte oo fadeexad-ka-carar ah ayaa sheegay in cadadka lacagta intaas la’eg aysan ku bixin dhanka ciidanka balse badanaa ay u adeegsadeen qaab gargaar bani aadanimo, taasoo ah mid kale oo xaqiiqada ka fog marka la milicsado xaqiiqda ka jirta gudahooda, iyadoo ay jirto in dadkii shacabka ahaa wax la siiya iskaba daaye, uu boob ku wado hantidoodii yareed ee ay heysteen.
Wareysiga Washington Post oo sii socda ayaa Xasan Sheekh Maxamuud lagu weydiiyey, waxa dhici kara hadii Mareykanku uu mar kale ciidamadiisa kala baxo Soomaaliya, sidii horeyba u dhacday muddo-xileedkiisii hore ee uu aqalka cad ku sugnaa ninkan soo rogaal-celiyey ee Donald Trump.
Waxa uu sheegay isagoo ay ka muuqato baqdinta arinkaas ku aadan, in xukuumada Washington ay ka codsanayaan in arinkaas aysan ku deg-dgein taa badlkeedna ayba sii kordhiyaan awooddooda Sooomaaliya, balse middaas ayaa u muuqata qarow maalmeed, maadaama Trump uu haatan yahay mid aan daneyneyn siyaasadda arrimaha dibadda ee ku dhisan bixinta Malaayiin Dollar oo faa’ido la’aan ah.
Gunaanadkii waxa uu wareysigan kusoo beegmay ayaa la dhihi karaa xilli Xukuumada Xasan Sheekh ay gadaal marsatay waqtigeedii ugu badnaa ee kusriga, iyadoo natiijada colkii uu iclaamiyeyna ay nooqtay mid fashil kusoo idlaatay, waxa hadda filasho loogu jiraana ay tahay is qab-qabsi siyaasadeed iyo in Guguurte kursiga kusii dangiigsanaado ilaa sanadda 2027.