FAAH-FAAHIN: Al-Shabaab oo nolosha ku qabatay 5 Mas'uul oo ka tirsan maamulka NFD ee ku hoos-jira gumaysiga Kenya.

Monday February 03, 2025 - 15:20:22
Liibaan Jeexoow
Wararka ka imanaya gobolka Mandheera ee ku hoos-jira gumaysiga Kenya ayaa sheegaya hawl-gal qorshaysan oo xoogagga Al-Shabaab ay ka fuliyeen deggaanka Harazuki oo ah deggaan u dhaxeeya degmada Ceel-qaalow iyo magaallada War-gaduude.
Ilo-wareedyo aaanu helnay ayaa sheegaya in hawl-galkan oo ahaa mid qorshaysan ay xoogagga Al-Shabaab nolosha ku qabteen 5 mas’uul oo ka tirsan maamulka daba-dhilifka u ah Kenya ee gobolka Mandheera.

Xog dheeraad ah oo aanu ka helnay hawl-galkaasi ayaanu kusoo ogaanay magacyada iyo xilalka shantan mas’uul ee gacanta lagu dhigay, waxaanay kala yihiin:

1-Cadow Cabdulle Maxamed oo ah Gudoomiyihii hore ee magaallada War-gaduude.
2-Maxamed Nuur Xaaji oo ah Gudoomiyaha deggaanka Jajaboole.
3-Cabdi Xasan Surre oo ah Gudoomiyaha deegaanka Qurac Madoobe.
4-Maxamed Xasan Kulmiye oo ah Gudoomiyaha magaallada War-gaduude qeybta Bari.
5-Ibraahiim Gaabow Cabdulle oo ah Gudoomiye-ku-xigeenka qeybta Bari ee magaallada War-gaduude.

Wararka ayaa intaas ku daraya in mas’uuliyiintan iyo weliba gaari ay la socdeen oo nooca raaxada ay haatan ku jiraan gacanta xarakada Al-Shabaab.

Xogaha kasoo baxaya hawl-galkaasi ayaa sidoo kale sheegaya khasaaraha qarax culus oo lala beegsaday kolonyo ciidamo Kenyaan ah oo gurmad ahaan uga soo baxay magaallada War-gaduude.

Ilo-wareedyo aanu helnay ayaa tibaaxaya in qaraxaasi uu gabi ahaanba gubay gaari Beebe ah, isla markaana ay qudh-baxeen dhammaan askartii saarnayd ee Kenyaatiga ahayd.

Geesta kale, wararka ka imanaya gobolka Baay ee koonfurta dalka Soomaaliya, ayaa sheegaya khasaare ka dhashay qarax xoogagga Al-Shabaab ay maanta ka fuliyeen gudaha degmada Bardaale.

Qaraxan oo sida ay wararku tabinayaan ahaa mid culus ayaa waxaa ku dhaaawacmay mas'uul la dhaho Cabdow Isaaq Bashiir oo ah guddoomiyaha afarta xaafadood ee degmada Bardaale.

Weerarrada noocan ah oo marba marka ka dambaysa sii xoogaysanaya ayaa dhiig-bax daran ku ah ciidamada shisheeye ee soo-duulayaasha AUSSOM iyo daba-dhilifyadooda Soomaaliya.

Related Items

Update cookies preferences