Xildhibaano ka tirsan maamulka Jubaland ayaa sheegay in Xaafiisyada Xasan Gurguurte iyo Xamze Cabdi Barre laga soo abaabulay dagaalkii shalay ka dhacay magaalada Baardheere ee gobalka Gedo oo dhexmaray laba maleeshiyo oo kala taageersan Axmed Madoobe iyo Gurguurte.
Xildhibaanadaan ayaa sheegay in Madaxda kooxda Villa Somaliya ay qaadanayaan mas’uuliyadda dagaalkaasi iyo khasaaraha ka dhashay.
Waxay intaasi raaciyeen inu lagu soo duulay maamulka Jubaland ugu magacaaban magaalada Baardheere, arrintaasi oo ay sheegeen inay tahay markii labaad oo duullaan nuucaas ah lagu soo qaaday maamulkaasi.
Shalay ayey ahayd markii dagaal saacado qaatay oo dhexmaray maleeshiyaat kala taabacsan maamulka Jubaland iyo kooxda Villa Somaliya oo kuwada sugan magaalada Baardheere.
Dagaalkaasi ayaa waxaa ku dhintay oo ku dhaawacmay saraakiil iyo askar labada dhinac ka kala tirsanaa, iyadoona wali xaalad dagaal ay ka taagan tahay magaalada Baardheere.