Tahriibeyaal Soomaaliyeed oo laga soo badbaadiyey Badda Midhitareeniyanka.

Thursday February 06, 2025 - 16:36:20
Liibaan Jeexoow
Wararka ka imanaya waqooyiga qaaradda Afrika, gaar ahaan Al-Jeeriya ayaa sheegaya in lasoo badbaadiyey 16 qof oo Soomaali ah oo ku tahriibayay xeebaha woqooyi ee magaallada Jiijil, sida lagu sheegay bayaan arbacadii shalay kasoo baxay Wasaaradda Difaaca ee dalkaasi.
Cutubyo ka tirsan ciidanka ilaalada xeebaha Al-Jeeraya ayaa u gurmaday tahriibayaashan Soomaaliyeed xilli ay khatar ku jireen oo ay sabbaynayeen Badda Midhitareeniyanka, gaar ahaan meel qiyaastii 40 Mayl-badeed geesta waqooyi kaga beegan magaallada Al-Cawaana ee gobolka Jiijil, sida lagu shaaciyey qoraalka ay soo saartay Al-Jeeriya.

Warka ayaa intaas ku daraya in Tahriibeyaashan Soomaaliyeed ay ka mid ahaayeen 2 haween ah, kuwaas oo xaalad caafimaad oo halis ah ku jiray xilligii lasoo badbaadinayay. Waxaana sida la sheegay loo gudbiyey dekedda Djen ee magaallada Djendjen oo daryeel caafimaad loogu fidiyey.

Dhalinyarada Soomaaliyeed ayaa si joogta ah ugu le’anaysa Badaha caalamka, taas oo salka ku haysa ajandayaal dhagaraysan oo shisheeyaha kusoo duullay dalku uu ugu talo-galay inuu ku barakiciyo bulshada Soomaaliyeed kuna tirtiro jiilashooda mustaqbalka.

Related Items

Update cookies preferences