Somaliland oo beenisay war sheegayay in ilaaladii Muuse Biixi laga qaadey.

Wednesday February 05, 2025 - 16:41:47
Liibaan Jeexoow
Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cabdalle Maxamed Carab oo goor dhaweyd warbaahinta la hadlay ayaa xaqiijiyey in gebi ahaanba aanay jirin wararka la isla dhex-marayo ee sheegaya in Muuse Biixi laga qaadey ilaaladiisii gaarka ahayd.
Wasiirka ayaa intaa ku daray in dadka faafinaya wararkani ay yihiin dad caan ah oo inta badan ku foogan in xasaradi ka aloosanto Somaliland.

"Nabadgelyada Madaxweynihii hore waxa ka masuula xukuumadda hadda joogta, ilaaladiisa gaarka ahina wali waxay ku sugan yihiin gurigiisii” Cabdalle

Warfidiyeenka oo wasiirka waydiiyey bal in uu beeninayo warka ka soo baxay Xisbiga Kulmiye ayaa tibaaxay in Guddoomiyaha Kulmiye wada hadleen.

Waxa xusid mudan in warkaasi uu ka soo baxay Afhayeenkii hore ee Kulmiye oo lagu magacaabi jirey Buuni.

Related Items

Update cookies preferences