Xasan Sheekh ayaa ka qayb galey shir ay ku kulmayeen qaar kamid ah madaxda dowladaha Afrika oo lagaga hadlayey xaaladda siyaasadeed ee ka soo cusboonaatey Koongada Dimuquraadiga ah.
Kulankan oo lagu qabanayey magaalada Daarasalaam ee dalka Tanzania ayaa waxa lagu casuumay in ay ka soo qayb galaan madaxweynayaasha Rwanda iyo DR Congo kuwaas oo markii hore aqbalay.
Labadan madaxweyne ayaa la rajaynayey in kulan dambe oo ka dhici doona Angola bisha December ay heshiis nabadeed ku galaan laakiin taas laguma guuleysan.
Ilo wareedyo u dhow madaxweynaha DR Congo ayaa xusay in madaxweynuhu uu ku baaqey in ciidamada Rwanda iyo adeegayaashiisu in ay ka baxaan gudaha dalkiisa.
Wararka dheeriga ah ee laga helayo shirkaas waxa ay tibaaxayaan in keliya uu shirkaas ka maqan yahay madaxweynaha waddankiisa qalalaasuhu ka jiro, halka xogo kale sheegayaan in uu kaga qaybgalayo shirka habka fogaan-aragga.
Jabhadda lagu magacaabo M23 oo garab ka helaysa dalka Rwanda ayaa dhawaan qabsatey qaybo kamida dalkaas taas oo xaaladda cusub ee hadda abuurtay.
Xasan Sheekh oo shirkan ka qaybgalaya waxa dhanka waddankiisa ka jira xaalado isdiiddan oo uu maaro u la’yahay sida midda ka taagan Jubbaland. Xaaladda uu Xasan ku sugan yahay ayaa ah nin tiisu ay haysato oo mid shisheeye ka talinaya.