Maalinta Calanka Itoobiya oo laga xusay Hargeysa. [SAWIRRO]

Monday October 14, 2024 - 15:29:54
Liibaan Jeexoow
Magaalada Hargeysa ayaa maanta lagu qabtey xuska maalinta 'Calanka Itoobiya'.
Qunsuliyadda magaalada Hargeysa uga furan Itoobiya ayaa lagu xusay maalintan iyada oo ay goob joog ahaayeen xubnaha qunsuliyadda oo Xabashi u badan.

Itoobiya ayaa sannad kasta qabata xuska maalintan. Magaalada Jigjiga ee dhulka Soomaaligalbeed ee Itoobiya gumeysato waxa maanta sidoo kale lagu qabtey xuska ‘Maalinta Calanka’.

Wasiir Dowlaha Wasaaradda Dibedda Itoobiya waxa uu ka dhawaajiyey in calankoodu astaan u yahay xorriyadda iyo afrikaannimada sida ay baahisey Waakaladda Wararka Itoobiya.

Maamulka Xabashida ee Addis Ababa ka dhisan ayaa geed dheer iyo mid gaabanba u fuushan sidii uu qayb ka mida xeebaha Soomaalida u qaadan lahaa, waxaana xusid mudan in Itoobiya ay haysato qayb ka mida dhulka Soomaalida tan iyo 1954.


Hargeysa

Jig-jiga

Related Items

Update cookies preferences