Saciid Deni oo uyeeray xildhibaanada Puntland ku metela baarlamaanka DF-ka.

Tuesday October 22, 2024 - 20:39:32
Liibaan Jeexoow
Xilli ay dhabarka isku jeediyeen Xasan Gurguurte iyo qaar kamid ah maamul goboleedyada dabadhilifyada ah ee dalka ka jira ayaa tobaneeyo xildhibaan looga yeeray Garowe.
Maamulka isku magacaabay Puntland ayaa uyeeray dhammaan xildhibaannada baarlamaanka DF-ka ee lagasoo xulay deegaannada waqooyi Bari Soomaaliya.

Saciid Deni ayaa warqad uu soo saaray ku sheegay in xildhibaannada qaab wadatashi ah loogu yeeray waxaana lafilayaa in kulan Garowe ka dhici doona lagasoo saari doono go'aamo ka dhan ah dowladda Xasan Gurguurte.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in kulanka xarunta gobolka Nugaal ka dhici doona ay ka qeyb gelayaan,golaha wasiirrada maamulka Puntland,ismada dhaqanka iyo intabadan siyaasiyiinta maamulkaasi.

Wararka qaar ayaa sheegaya in kulankan taageero iyo isgarab taag loogu muujin doono Axmed Madoobe oo dhowaan isaga baxay shir Muqdisho ka dhacay islamarkaana sheegay in uu diidanyahay hanaanka uu Xasan Gurguurte wax uwado.

Sanaddii 2023-kii ayuu Saciid Deni ku dhawaaqay in uu xiriirka ujaray Villa Somalia islamarkaana maamulkiisu uu yahay mid ka madax banaan xukuumadda Muqdisho.

Related Items

Update cookies preferences