Maamulka Puntland oo sheegay in uu samaysanayo lacag u gaar ah.

Saturday December 21, 2024 - 13:44:53
Liibaan Jeexoow
Maamulka Puntland ee ka tirsan Dowladda Federaalka ayaa sheegay in ay ku jiraan qorshaha deraasad cusub oo ay lacag cusub ugu samaynayaan maamulkaas.
Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa maanta ka dhawaajiyey in Puntland ay samaysan doonto lacag cusub inta lagu gudo jiro sannadka maalmuhu ka harsan yihiin ee 2025.

"Maadaama ay Dowladdii Dhexe ee dalka ay ku guul darraysatay in ay dalka u samayso lacag midaysan, Puntland waxay ku qasban tahay in ay sameysato lacag ay u madax banaan tahay, ilaa sannadka 2025-ka” Deni.

Inkasta oo tani ay u muuqato in Puntland iyo Federaalku kala dhaqaaqeen haddana Deni ayaa ka dhawaajiyey in taasi aanay waxba yeelayn Soomaalinnimada iyo nidaamka Federaalka ah.

Deni waxa uu xusay in dhibaatooyin baaxad leh ay jiraan maaddaama oo shiling Soomaaligu aad u qiime dhacay dhanka kalena ay lacagihii noqdeen digital, tan dambena ay waxyeello shacabka u geysan karto haddii system-ka digital-ka ahi istaago.

Maamulka goonni goosadka ah ee Somaliland ayaa isagu sidan oo kale lacag u samaystey muddo laga joogo 30 sano(1994). Lacagtaas oo weli laga isticmaalo gobollada Waqooyi.

Related Items

Update cookies preferences