Maamul-goboleedka la baxay Puntland ayaa si adag u daadafeeyey go'aannadii laga soo saaray shirkii dhawrka jeer burburay ee loola baxay golaha wada-tashiga qaranka oo xalay lagu soo af-meeray magaallada Muqdisho.
Kulanka todobaadlaha ah ee golaha wasiirrada Puntland oo maanta ay wada-jir u shir-guddoominayeen M/Weyne Saciid C/Laahi Deni iyo ku-xigeenkiisa Ilyaas Cusmaan Lugatoor ayaa nasiib-darro ku tilmaamay go’aankii xalay kasoo baxay shirkii GWQ.
War-saxaafadeed goor dhawayd soo baxay ayaa lagu xusay in Puntland ay horey uga digtay go’aankan, waxaanay sheegtay in xaalad hubanti la’aan ah u hor-seedayo dalka, maadaama ayay yidhaahdeen uu ka hor imanayo hannaanka dawlad-dhiska ee ku salaysan dibu-heshiisiinta.
Waxa kale oo bayaankan lagu bogaadiyey go’aanka Jubbaland ee qabsashada heerarka kala duwan ee doorashooyinka. Iyadoo dhanka kalena ay soo dhaweeyeen baaqyada ay soo saareen madaxdii hore iyo siyiisiyiinta Soomaaliyeed.
Ugu dambayntii waxaa qoraalka lagu caddeeyey in Puntland ay mawqifkeedii hore taagan tahay, isla markaana ay kasoo hor-jeeddo wax ay ku sheegtay habka khaldan ee loo marayo hannaanka dawlad-dhiska Soomaaliya.
Axmed-madoobe, Siyaasiyiin, xildhibaano iyo madaxweynayaal hore oo saacadihii ugu dambeeyey qoraallo soo saarayay ayaa iyaguna si adag uga hor-yimi go'aankan kasoo baxay shirka Golaha Wada-tashiga Qaranka oo xalay lagu soo gunaanaday magaallada Muqidisho.