Dagaal xooggan ayaa laga soo sheegayaa in uu mar kale ka qarxay deegaanka Dacawaley oo ka tirsan dhulka Itoobiya gumeysato ee Soomaali Galbeed.
Dagaalkan ayaa u dhexeeya Maleeshiyada Liyuu Booliska ee daba-dhilifka u ah xabashida Itoobiya iyo dad shacab ah.
Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in Liyuu Boolisku ay saaka aroortii hore weerar xooggan ku ekeeyeen deegaanka Dacawaley oo hoos-taga degmada Xarshin.
Inkasta oo aan weli si rasmiya loo shaacin wax khasaare ah, haddana waxa la aamminsan yahay in dhimasho iyo dhaawacba jiraan.
Geesta kale maalmihii u dambeeyay waxa magaaladaasi ku sugnaa odayaal-dhaqameed u socday waan-waan nabadeed.
Dagaalka ayaa ka bilowday muran dhuleed oo u dhexeeyay laba beelood oo walaallo ah oo deegaankaas muddo dheer wada deggenaa.
Liyuu-Booliska oo dhowr sarkaal horey ugaga dhinteen furimaha dagaalka ayaa la werinayaa in ay doonayaan in awood lagu muquuniyo dadka shacabka ah maaddaama ay daba-qoodhi ka yihiin deegaanka Soomaalida ee Itoobiya gumeysato.