Dagaalyahannada Al-Shabaab ee ka hawl-gala gobolka Galgaduud ayaa maanta weerar ku qaaday isbaaro maleeshiyaadka dawladda u taallay duleedka Masagawaay.
Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in ugu yaraan 2 askari laga dilay maleeshiyaadka dawladda, isla markaana laga soo furtay laba qori oo ay siteen.
Labadan askari ee la dilay oo ahaa walaalo ayaa magacyadooda lagu sheegay Abshir Ibraahim Xasan Xuurshow iyo Cabdullaahi Ibraahim Xasan Xuurshow.
Dhanka gobolka Baay, waxaa xalay ka dhacay qarax ay dagaalyahannada Al-Shabaab ka fuliyeen gudaha magaallada Baydhabo.
Ilo-wareedyo aanu helnay ayaa sheegaya in uu jiro khasaare ka dhashay qaraxan, kaas oo si gaar ah loola beegsaday maleeshiyaad ku sugnaa xaafadda Dugaandug.
Weerarradan silsiladda ah ayaa dhiig-bax joogtada ah ku noqday soo-duulayaasha afrikaanta iyo maleeshiyaadka daba-dhilifka ah.