Xoogagga Kacdoonka Sunniga ah oo horumar ka sameynaya waqooyiga iyo bartamaha Suuriya.

Sunday December 01, 2024 - 11:41:11
Liibaan Jeexoow
Wararka ka imaanaya waqooyiga wadanka Suuriya ayaa sheegaya in dagaallo culus ay weli ka socdaan dhowr magaalo oo ay horay gacanta ugu hayeen ciidamada nidaamka bishaar Al-Asad.
Xoogaga kacdoonka sunniga ah ayaa saaka aroortii hore dagaallo culus kadib lawareegay gacan ku heyntay dhismayaasha Kuliyadda Madaafiicda magaalada Xalab iyo xaafadda Warshadaha leh ee Sheekh Najaar.

ilo wareedyo ayaa sheegaya in xoogaga sunniga ah ay si buuxda uqabsadeen degmada Khanaafar ee bariga Xalab, degmadan waxaa marta wadada muhiimka ah ee isku xirta Xalab illaa Xamaah.

Gaashaanlle Xasan Cabdulqani oo u hadlay xoogaga kacdoonka ayaa sheegay in ciidamadoodu ay horumar ballaaran ka wadaan dhammaan saaxaadka dagaalka sida Xammaah iyo Xalab, gebi ahaanba mucaaradka ayaa soo qabsaday gobolka Idlib.

Baraha bulshada ayaa lagu faafiyay muuqaallo muujinaya xoogaga sunniga ah oo lawareegay magaalooyin iyo iyagoo gacanta ku dhigaya saanado hub ah iyo gaadiid gaashaaman.

Dhinaca kale diyaaradaha dagaalka Ruushka iyo kuwa nidaamka Suuriya ayaa duqeymo laayaan ah ugeysanaya magaalooyinka xorta ah ee dadka shacabka ah degnayihiin

Related Items

Update cookies preferences