Madaxweynaha cusub ee Mareykanka Donald Trump ayaa xaqiijiyay in Turkiga uu yahay midka kaliya ee ku guuleystay dagaalka Suuriya ka dib markii la riday nidaamkii Bashar Al-Assad ee wadanka maamulayay 24-kii sano ee lasoo dhaafay.
Trump ayaa saadaaliyay in Ankara ay yeelan doonto furaha dhacdooyinka ee dalka Suuriya sida uu hadalka udhigay isagoo arrintaas usababeeyay in ay taageeraysay qaar kamid ah kooxihii hubaysnaa ee riday nidaamkii Aala Asad.
Madaxweynaha ladoortay ee dalka Mareykanka ayaa isaga oo jooga hoyga uu ka degan yahay Florida "Ma jirto cid garanaysa natiijada ugu dambaysa ee Suuriya iyo cidda ku guulaysan doonta laakiin waxaan filayaa in ay tahay Turkiga Ankara waxay yeelan doontaa furaha dhacdooyinka dalkan"ayuu yiri Trump.
Waxa uu intaasi ku daray "Turkiga waxa uu si saaxiibtinimo la’aan ah ula wareegay dalka Suuriya iyadoo aan dhiigbadan ku daadanin”,balse wuxuu walaac ka muujiyay in xaaladda Suuriya ay weli tahay mid qasan oo aan la ogaan karin masiirka siyaasadeed ee wadanka.
Isaga oo ka hadlaya dhicitaankii Bashaar Al-Asad iyo baxsadkiisi uu ku tagay magaalada Moscow ayuu Trump xaqiijiyay in uusan ka fikirin in uu weydiisto Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin in uu ka tanaasulo megengelinta qoyskii Aala Asad ee Suuriya maamulayay wax kabadan nus qarni.
Donald Trump ayaa soo hadal qaaday mustaqbalka ciidamada American-ka ah ee ku sugan wadanka Suuriya wuxuu sheegay in markii hore ay ahaayeen 5,000 oo askari balse hadda ay dhimayaan ayna kusoo koobayaan 900 oo askari balse ma sheegin in ay ciidankooda kala baxayaan Bariga Suuriya iyo inkale.
Ciidanka Mareykanka ee gummeysiga ku jooga Suuriya ayaa taageera xooggan siiya maleeshiyaadka Maalixdidada Kurdiyiinta ee loo yaqaan PKK waxayna gacanta ku hayaan Ceelasha shidaalka wadanka kuwaas oo maalin walba soo saara boqolaal kun oo Barmiil nafta ah.