Dagaalyahannada Al-Shabaab ee ka hawl-gala gobolka Baay ayaa galabta qarax culus la beegsaday maleeshiyaadka maamulka la baxay Koonfur Galbeed.
Maleeshiyaadkan ayaa lagu weeraray gudaha magaallada Baydhabo, gaar ahaan goob ay dhigteen Isbaaro ay dadka ku dhibaateeyaan.
Ilo-wareedyo aanu helnay ayaa sheegaya in ugu yaraan hal askari laga dhaawacay maleeshiyadii la weeraray.
Weerarradan sida joogtada ah u fuliyaan xoogagga Al-Shabaab ayaa dhiig-bax daran ku ah maamullada daba-dhilifyada ah iyo maleeshiyaadkooda.
Sidoo kale waxaa haatan xaalad gacan-ku-gabbad ah ku jira ciidamada soo-duulayaasha Afrikaanta oo ku go’doonsan dhufaysyadooda.