Maamulka Cagjar oo shacabkii uu ku laayay Dacawaley ku tilmaamey argagixiso.

Wednesday January 01, 2025 - 14:20:51
Liibaan Jeexoow
Xafiiska Amniga ee maamulka ay Xabashidu ka dhisatay dhulka Soomaali-galbeed ee Itoobiya gumeysato ayaa goor dhaweyd war ka soo saarey xasuuqii Dacawaley.
Xafiiskan ayaa ku tilmaamey dhacdadaas mid "argagixiso” ay dabada ka wadeen.

Qoraal ku taariikheysnaa 23/4/2017 oo ah tirsiga Dowladda Xabashida isla markaana ku beegan 1 January, 2025 ayaa lagu xusay in Ururka Alshabaab oo doonayey in uu deegaanka soo galo in laga difaacey.

"Sida lawada ogyahay waxa jirtay damac uu leeyahay ururuka argaxisada shabaab oo ah in ay soo galaan dalka , haddaba markii uu u suuro gali waayay in iyaga oo hubaysan kuna suntan calaamadda shabaab ay ka dhaxdhaqdhaqaaqan, dalka” ayaa lagu yiri qoraalka.

Geesta kale hoggogaamiyaha maamulkan ay Xabashidu ka dhisatay dhulka Soomaali-galbeed Mustafa Cagjar ayaaa mar uu shalay ka hadlay dhacdadan gebi ahaanba dafiray in maleeshiyaadkiisu ay dad rayid ah ku xasuuqaan deegaaanka Dacawaley.

Waxa uu tilmaamay in aanu jirin 1 qof oo rayid ah oo ay maleeshiyaadkiisu ku dileen deegaankaasi, iyadoo muuqaallo lasoo duubay lagu arkaayay tobannaan ruux oo rayid ah oo ay laayeen ciidanka Liyu Booliisku.

Wararka kasoo baxaya dhanka maamulka daba-dhilifka u ah Itoobiya ayaa ka turjumaya sida aaney marnaba diyaar ugu ahayn in dadka Soomaaliyeed nabad ku wada noolaadaan.

Colaadda Dacawaley ayaa haatan u muuqata mid hurinteeda uu ka dambeeyo maamulka Mustafe Cagjar, iyadoo food-saaro looga dhigayo muran-dhuleed u dhexeeyay laba beelood oo walaalo ah.

Related Items

Update cookies preferences