Somaliland: Waan cambaaraynaynaa xasuuqa ay Liyuu Boolisku ka geysteen deggaanka Dacawaley.

Wednesday December 25, 2024 - 18:10:26
Liibaan Jeexoow
War-saxaafadeed goor dhawayd uu soo saaray maamulka gobollada Waqooyi ee la baxay Somaliland ayaa si adag loogu cambaareeyey xasuuqa ay ciidamada Liyuu Boolisku u geysteen dadka shacabka ah ee ku nool deggaanka Dacawaley ee degmada Xarshin.
Cabdalle Maxamed Carab oo ah wasiirka wasaaradda amniga ayaa shaaca ka qaaday in maleeshiyaadka Liyuu Boolisku ay xasuuqeen shacab xoolo-dhaqato ah isla markaana ay afduubteen madax-dhaqmeed kasoo jeeda Somaliland oo hawlo nabadayn ah u tagay deggaannadaaasi.

"Wasiirka Amniga Gudaha JSL waxaa uu si xoog leh u cambaaraynayaa falalka foosha xun ee ay Degaanka Dacawalay ka geysteen Ciidmada Liyuu Booliska ee Degaanka Maamulka Soomalida Itoobiya, kuwaasoo geystey Xasuuq baahsan, masuuliyadda ka dhalatana ay qaadi doonaan.” Ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Bayaankan ayaa lagu sheegay in M/weynaha maamulka Soomaalida ku hoos-jirta gumaysiga Itoobiya ee Mustafe Cagjar uu u caddeeyey inuu aad uga xun yahay falalka foosha xun ee ka dhacay Deggaanka Dacawalay.

Sidoo kale maamulka Somaliland waxa uu sheegay in dawladda federaalka Itoobiya ay ku war-geliyeen dhacdadan isla markaana ay maalinta berrito ah ka ballameen wada-hadal ku dhex-mari doona xuduud-beenaadka.

Warkan uu soo saaray maamulka Somaliland ayaa imanaya kadib markii hiirtii waaberi ee saaka maleeshiyaadka Liyuu Boolisku ay soo weerareen kuna xasuuqeen dad shacab ah degganka Dacawaley ee degmada Xarshin oo ka tirsan dhulka ku hoos-jira gumaysiga Itoobiya.

Ilo-wareedyo aanu helnay ayaa sheegaya in dadkii deggaanka Dacawaley oo ka gadooday falkaasi foosha xun ay qoryaha qaateen si adag-na ula dagaallameen maleeshiyaadkii Liyuu Booliska.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in markii dambe la jabiyey, xoog-na lagaga saary magaallada maleeshiyaadkii Liyuu Booliska, isla markaana askar fara badan laga dilay, qaar-na laga dhaawacay, qaar kalena gacanta lagu dhigay.

Related Items

Update cookies preferences