Cabdalle Maxamed Carab oo ah Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha maamulka gobollada waqooyi ee Somaliland ayaa shalay kulan la qaatay Teshome Shunde Hamito oo ah safiirka Itoobiya u fadhiya magaallada Hargeysa.
Ilo-wareedyo maxalliya ayaa sheegaya in labadan mas’uul ay kulankooda kusoo hadal-qaadeen dagaalkii ka dhacay deggaanka Dacawaley oo hoostaga dhulka ku hoos-jira gumaysiga Itoobiya ee Soomaali Galbeed.
Labada dhinac ayaa lagu soo warramayaa inay isla qaateen in si nabad-gelyo ah lagu soo af-jaro shaqaaqadaasi, isla markaana meel looga soo wada-jeesto wax kasta oo lid ku ah nabad-galyada deggaannadaasi.
Xaaladda deggaanka Dacawaley ayaa haatan deggan, waxaanay sheegayaan ilo-wareedyo aanu helnay in hey’adda Bisha Cas oo ogolaansho ka haysata dadka deggaanka ay maydad fara badan oo Liyuu Boolis ah ka daabushay goobihii lagu dagaallamay.
Maleeshiyaadka Liyuu Booliska oo caan ku ah laynta maatida muslimiinta ayaa duullaan gardarro ah oo ay ku qaadeen deggaanka Dacawaley kala kulmay jab xooggan, waxaana dagaalkaasi looga dilay askar fara badan iyo tiro saraakiil ah.