Xabaal-wadareedyo loo sameeyay shacabkii Liyuu Boolis ku xasuuqeen Dacawaley.

Thursday December 26, 2024 - 15:02:18
Liibaan Jeexoow
Waxa maanta aas wadareed loo sameeyay qaar kamid ah dadkii malleeshiyada Liyuugu ku xasuuqeen deegaanka Dacawaale ee ka tirsan Degmada Xarshin ee Soomaali Galbeed.
Dadkan la laayey guud ahaan ayaan tiradooda si rasmi ah loo ogaan maaddaama oo wali colaaddu sii qoyan tahay. Laakiin dadka xabaalo wadareedka loo sameeyay ayaa gaaraya ilaa 40 ruux.

Dadka shacabka ah ee xasuuqu ku dhacay ayaa ka soo jeeda Somaliland, dhanka maamulka SL mas’uuliyiin ka tirsan ayaa ka tallaabey xuduud beenaadka sida saxaafadda maxalliga ah ee maamulkaasi warisey.

Wasiirka Aminga maamulka Somaliland, Wasiirka Madaxtooyada, Taliyaha Ciidanka Millateriga iyo Taliyaha Booliska ayaa la kulmay xubno ka tirsan Dowladda Deegaanka Soomalida.

Inkasta oo warar kale ay sheegayaan in saraakiil Federaalka ka tirsani ay goob joog ka ahaanayso wadahadalka. Dhibtan ayaa ka bilaabantey muran dhuleed oo u dhexaysay laba beelood oo wada degganaa Dacawaley hase ahaatee qolo kamid ahi Dowlad Deegaanka u aragtey in ay ka hiillinayso.

Related Items

Update cookies preferences