Kadib kulan ayaa magaallada New York ee dalka Mareykanka ay ku yeesheen waxa loogu yeero golaha ammaanka ee Q.Midoobay ayay uga doodeen xaaladda dalka Soomaaliya gaar ahaan dawladda federaalka Soomaaliya iyo mustaqbalka ciidamada Afrikaanta ah.
Dowladda Ingiriiska oo Q. Midoobay gacanta u gelisay galka ammaanka Soomaaliya ayaa golaha ka hor sheegtay in 31 December 2024 oo ku beegaan bartamaha isbuucan lasoo afjarayo howlgalka Afrikaanta ee loogu yeero ATMIS.
Xubnaha golaha ayaa ka dooday sida laga yeelayo Afrikaanta, waxayna isku raaceen in la dhiso howl-gal cusub oo loogu magac-daray AUSSOM kaasi oo la siiyay waqti dhan 12 bilood kana billaabanaysa Bisha Janaayo ee soo socota ee 2025.
Hawl-galkan cusub ee AUSSOM ayaa socon doona muddo hal sano ah sida ku cad warka kasoo baxay waxa loogu yeero jimciyadda quruumaha ka dhexeysa. Waxaanu ka koobnaan doona 12,626 askari oo 1,040 ka mid ah noqon doonaan ciidamo boolis ah.
Safiirka dawladda federaalka Soomaaliya ee xarunta Q.Midoobay ayaa golaha ka hor sheegay in iyagu ay codsadeen in howl-gal cusub laga sameeyo Soomaaliya, sida ku cad go'aanka Q.Midoobay, kaas oo laga reebay ciidamada Xabashida Itoobiya.
Safiirka Itoobiya u fadhiya Q.Midoobay ayaa khudbad uu jeediyay ku sheegay in amniga geeska afrika uu halis ku jiro isla markaana awoodda Xarakada Al-Shabaab ay sii xoogeysanayso, isagoo codsaday in ciidamada dowladdiisa lagu daro howl-galka balse taasi ma dhicin.
Kooxda Villa Somaliya iyo dowladda Masar ayaa isbuucii lasoo dhaafay sheegay in kumanaan askari Masaari ah ay soo gaari doonaan Soomaaliya si ay qeyb uga noqdaan duullaan-gaaleedka cusub.
Khilaaf in mudda ah soo jiitamayay oo ku saabsanaa cidda dhabarka u ridanaysa maal-gelinta isbahaysiga AUSSOM ayay gaalladu xal ka gaareen waxayna bixinta qarashaadka u qeybsadeen sidan:
75% waxaa ciidamada Afrikaanta maal-gelinaya waxa loogu yeero deeq-bixiyeyaasha oo ay ka mid yihiin Mareykanka, midowga Yurub iyo dowladaha Khaliija Carabta halka ururka midowga Afrika iyo UN-ku ay bixinayaan 25%.
Ciidamada Afrikaanta oo Soomaaliya kusoo duullay sanaddii 2007 ayaan weli xaqiijin ahdaaftii ay reer-galbeedku u igmadeen, kuwaas oo markii ay dalka imaanayeen huwanaa shaatiga AMISOM balse sanaddii 2022 ayaa shaatiga loo bedelay waxaana loo bixiyay ATMIS hadda oo la joogo dhammaadka 2024 ayaa magaca cusub looga dhigay AUSSOM.