Axmed Macallin Fiqi oo ku magacaaban wasiirka arrimaha dibadda kooxda Villa Soomaaliya ayaa mar kale sheegay in kumanaan ciidamo Masaari ah loo soo daabuli doono Soomaaliya.
Isagoo wareysi siinayay warbaahinta ku hadasha afka nidaamka Alisiisi ayuu wasiirkanI ka shanqariyay in ciidamada dowladda Masar ay Soomaaliya ku imaan doonaan laba qaab oo kala ah mar iyagoo huwan shaatiga AUSSOM marka kalane ay ku imaanayaan iyagoo heshiis laba geesood ah la galay wasaaradda difaaca DF Somaaliya.
Wuxuu qiray in dowlado dhowr ah ay kooxda Villa Somaliya cadaadis ku saareen in ay ka fogaato ciidamada Masaarida si looga baaqsado khilaafka siyaasadeed ee kala dhaxeeya dowladda xabashida Itoobiya balse ugu dambeyn ay ogolaadeen in Masar ay ciidamo usoo dirto Soomaaliya.
Bilihii lasoo dhaafay waxaa jiray ismariwaa ka taagnaa dowladaha qeybta ka noqonaya isbahaysiga soo-duulayaasha AUSSOM kaasi oo dabayaaqadii bishii hore ay ansixiyeen waxa loogu yeero golaha ammaanka ee Q.Midoobay.
Isbahaysigan oo weli aan helin maal-gelin rasmi ah ayay dowladda xabashida Itoobiya iyo Masar isku haystaan ka mid ahaanshiyihiisa, kooxda Villa Soomaaliya ayaana u muuqata mid ku dhax jiha-wareersan Itoobiya iyo Masar oo isku hayo biyaha webiga Niil.