Yusuf Dhuumaal oo ah Wasiirka Amniga maamulka la baxay Jubaland oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inuu faraha ka baxay amniga deegaanada uu maamulkooda kaga sugan yahay gobolka Gedo.
Wuxuu sheegay Dhuumaal in haddii ay yihiin mas’uuliyiinta maamulkooda aysan awoodin inay safar dhulka ah ku tagaan deegaanada ay ka joogaan Gedo, iyagoo ka cabsi qaba inay la kulmaan weeraro uga yimaadda Al-Shabaab.
Dhuumaal ayaa si gaar ah usoo qaatay howlgal qarax ah oo dhawaan xoogagga Al-Shabaab ay ka fuliyeen degmada Baladxaawo oo lagu dilay labadii guddoomiye-ku-xigeen ee degmadaasi iyo askar.
Hadalka kasoo yeeray Dhuumaal ayaa laga dheehan karaa walaac xooggan oo ay ka qabaan howl-gallada joogtada ee dagaalyahannada Al-Shabaab ka fuliyaan Gedo gaar ahaan degmooyin ay ka mid tahay Baladxaawo.
Qaylo-dhaanta mas’uulkan ayaa imanaysa xili ay sii xoogeysteen weerarada isugu jira dagaallada tooska ah iyo qaraxyada ay maalmahaan xoogagga Al-Shabaab ka fulinayaan deegaanada gobolka Gedo ee hoos-taga maamulka Jubbaland.
Todobaad ka hor ayey ahayd markii qarax dagaalyahannada Al-Shabaab ay ka fuliyeen gudaha degmada Baladxaawo lagu dilay 5 askari oo ay ku jiraan guddoomiye-ku-xigeennadii 1aad, iyo 2aad ee maamulka Baladxaawo.