Xamza Cabdi Barre oo Farmarnaan iyo weji gabax kalasoo laabtay magaalada Baydhabo iyo Laftagareen oo udariyay Villa Somalia.

Saturday September 14, 2024 - 18:40:45
Liibaan Jeexoow
Waxaa markale cirka iskusii shareeray khilaafka udhaxeeya maamulka Ashahaadda ladirirka isku magacaabay Koonfur Galbeed iyo dowladda dabadhilifka ah ee fadhigeedu yahay magaalada Muqdisho.
Xamzi Cabdi Barre oo ah R/wasaaraha DF-ka iyo wafdi uu hoggaaminayay oo maalmahan ku sugnaa Magaalada Baydhabo ayaa Villa Somalia dib ugusoo laabtay iyagoo faramaran.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Laftagareen uu kabiya diiday dhammaan ajandayaashii Xasan Gurguurte oo ahaa in uu u hoggaansamo awaamirta DF-ka oo ay kamid yihiin in uu soo xaadiro shir ay madaxda maamul goboleedyadu ku yeelan doonaan Muqdisho iyo in uu joojiyo wadashaqeynta tooska ah ee kala dhaxaysa dowladda Itoobiya.

Laftagareen ayaa si cad ugu sheegay Xamza Cabdi Barre in uu qabsan doono doorasho isaga ugaar ah islamarkaana ay ciidamada Itoobiya usii noqon doonaan kuwa ilaaliya maamulkiisa xataa haddii uu dhammaado waqtiga soo duulayaasha ATMIS.

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa tibaaxaya in R/wasaaraha DF-ka uu isagoo caraysan kasoo dhoofay garoonka diyaaradaha Baydhabo, saraakiil sarsare oo katirsan ciidanka Itoobiya ayaa Laftagareen si toos ah ugu amrayay in uu xagaldaaciyo dadaallada Xasan Gurguurte oo ah in uu maamulka Koonfur Galbeed hoos geeyo Villa Somalia.

Inta badan maamul goboleedyada ka jira Soomaaliya ayaa ka biya diidan siyaasadda Xasan Gurguurte waxayna sedax kamid ah maamulladan toos uga amar qaataan dowladaha Kenya iyo Itoobiya.

Related Items

Update cookies preferences